Skip to main content

TAARIIKHDII SHIIKH AADAM SHIIKH CABDULLAAHI CALI

Shiikh Aadam ilaahay Janadii ha ka waraabiyee waxa uu ahaa Caalim iyo Daaci ay dad badani quraanka iyo cilmiga kalee diiniga ahba ay ka barteen. 1956 ilaa 1973 Shiikh Aadam waxuu ahaa macalin dugsiyadii dhexe ee dalka wax ka soo dhigay gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Banaadir. Laga soo billaabo 1973 waxuu Shiikhu Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka akhrin jiray galab wallba 15 daqiqo Raadiyo Muqdusho. Casharrada Tafriisrka Qur’aanka ee Shiikhu ka sii dayn jiray Raadiya Muqdisho marna ma kala go’in ilaa hadana waxaa laga baahiyo isla Raadiyo Muqdisho. Casharadani waxaa ka aflaxay kumanaan muslimiinta soomaaliyeed ah oo Tafsiirka iyo Qur’aankaba ka bartay.
Dadka Soomaalida badankood miyi iyo magaalaba wax walba oo ay gacanta ku hayaan way dhigi jireen afarta galabnima marka casharka Tafsiirka Qr’aanku uu soo galayo Raadiyaha. Dadkuna waxay ku balami jireen “casharka Shiik Aadam markuu dhamaado ka dib aanu isu imaano”. Shiikha waxuu sidoo kale si joogto ah casharro uga bixin jiray Masaajidka Macalin Jaamac iyo Masjidka Isbahaysiga Islaamka laga soo bilaabo 1975 ilaa iyo 1991. Shiikha waxa uu Imaam iyo Khadiibba ka ahaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka markii la furay ilaa iyo intii uu Xamar ka tagay sanadkii 1991. Halkaan ka akhriso taariik noloneedkii Shiikha oo kooban:

  1. Shiikha waxa uu ku dhashay 1928 Deegaanka Diirharo ee gobolka Gedo, halkaas oo uu Qur’aanka ku xifdiyay, asaasiyaadka culuumta shareecadana uu uga qaatay aabihii Shiikh Cabdullaahi Aw Cali oo ahaa Shiikh caalim ah.
  2. Markii uu hana-qaaday Shiikha wuxa uu cilmi-doon u aaday deeganadi ku xeernaa gobolka Gedo ee Baay iyo Bakool. Halkaas oo uu intii mudda ah xernimo iyo nadaamki xalaqaatka uga raacanayay funuunta kala duwan ee cilmiga Shareecada.
  3. 1955 waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, waxa uuna sii watay cilmi kororsigiisa.
  4. Waxa uu Diploma u dhiganto shahaadada duksiga sare ka qaatay Machadikii Diraasaadka Islaamka ee Raacsanaa Al-azhar.
  5. Shiikh Aadam Waxa uu ka qalin jabiyay Kulliyadii Daraasaadka Islamka iyo Luqadda Carabiga ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed kana qaatay Shahaada Koowaad ee Jaamacadeed (Bachelor).
  6. Shiikha waxa uu ku geeriyooday 17kii Bisha Ramadaan ee sanadki 1416H (1996) magaalada barakaysan ee Makkah Al-Mukaramah, halkaas oo lagula tukaday salaadi maqrib Xaramka laguna aasay halkaa - Allaha u naxariistee

Shaqooyinki Shiikhu soo qabtay:

  1. Sanadihi 1962-1973 waxa uu macalin maaddadooyinka carabiga iyo diinta islaamka ka noqday dugsiyadii dalka. Gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Banaadir.
  2. Waxa uu Tafsiirka Qur’aanka ka bilaabay Raadiyo Muqdisho sanadii 1973; Tafsiirkii waqtigaa oo illaa manta laga baahiyo hawada.
  3. Laga soo bilaabo 1977 Waxa uu Imaam iyo Khatiib ka noqday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ilaa iyo intii uu xamar ka tagay sanadkii 1991. Waxuu qayb wayn ka soo qaatay u olololaytii dhismaha masaajidaka oo ahaa masjidka ugu wayn -xiligaa- geeska Afrika, halkaas uu duruus iyo dacwo maalinle ah uu ka waday illaa waqtigii dagaalada sokeeyo ay dalka ka qarxeen sanadkii 1991. Shiikha waxa uu xubin ka ahaa waxna ka aas-aasay Kulanka saree e Masaajidda Islamka ee caalamiga ah ee hoostaga uruka Raabidada Caalamka Islamka
  4. Shiikhu wuxuu qoray kitaab tarjumada Quraanka Kariimka ah oo uu af-soomaali u tarjumay welina aan la daabicin, waxaan la soo badhigu doonaa markii Alle fududeeyo.
  5. Shiikha waxa uu gacanta ku hayay mashruuc ballaaran oo lagu aas -aasayay Machad Sare oo lagu diyaariyo Ducaadda Islaamka, machadkaas oo dhismihiisa gunaanad ahaa intii aysan fitinadii iyo dagaalkii ahligi dalka ka qarxin.
  6. Waxaa Shiikha aad loogu xasuustaa Darsigiisa maalin walba laba jeer ka bixi jiray Idaacadda Muqdisho ee Tafsiirka Qur’aanka; miyi iyo magaalana aad loogu taxnaa.
  7. Shiikha waxa uu xubin ka ahaa Ururka Fiqiga Islamka ee Jedda laga soo bilaabo Aas-aaskiisa illaa iyo waqtigi uu Shiikhu geeriyooday - Allaha u naxariistee- sanadki 1996.
  8. Waxa uu Shiikha ka qayb galay kulamo iyo shir-weynayaal calami ah oo ku saabsana dacwada iyo iskaashiga Muslimiinta


Nala Soo Xiriir